Saturday, July 12, 2025

Xubno Alshabaab ah oo lasoo taagay Maxkamad Milateri & xukun lagu riday (Wiil 16 sano jir ah oo ka mida)

Maxkamada Darajada kowaad ee ciidamada Qalabka sida iyo denbiyada Culus eeGobollada Nugaal ayaa maanta xukun ku riday saddex dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay Al-shabaabnimo.

Cidamada Puntalnd ayaa dagaal ka dhacay degaanka Balli-khadar ee u dhow Buuraha Galgala ku qabtay saddex xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab, kuwaas oo ahaa dhalinyaro da’ yar oo markaas la geeyay fariisinta Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.

Xubnahan waxay kala yihiin:

1- Ismaaciil Cabdullaahi Ibraahim

2- Xasan Kuulow Ibraahim

3- Iyo Maxamed Ibraahim Isaaq

Guddoomiyaha Maxkamadda Cabdiraxmaan Ciise Xuseen ayaa xukun xabsi daa’in ah ku xukuntay Ismaaciil Cabdullaahi iyo Xasan Kuulow, waxaana Maxamed Ibraahim Isaaq oo 16 sanno jir ahaa ay ku wareejisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Dhaqancinta Puntland, iyadoo sheegtay inay u cuskatay inuusan qaangaar ahayn.

Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa saddexda dhallinyarro ku eedeysay inay tababaro A-shabaab ku soo qaateen Koonfurta Soomaaliya, kadibna u soo safreen buuraleyda gobolka Bari ee Puntland.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON