Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegay in laba xubnood oo ka tirsanaa ALshabab ay isu dhiibeen ciidamada Jubbaland ee ku sugan degmada Doolow.
Sarakiisha Ciidamada Nabadsuggida Jubbaland ayaa sheegay in labada xubnood oo ka mid ahaa ciidamada lugta ee Alshabaab ee loo yaqaan ‘Jabhadda’ ay isu dhiibeen iyaga iyo hubkoodii, waxaana war kasoo baxay xafiiska NISA ee Jubaland lagu sheegay in raggaan iyo laba qori oo A-K47 ah oo ay wateen ay la soo goosteen, iyadoo lasoo dhoweeyay, loona sameyn doono dhaqan gelin.



