Monday, June 23, 2025

Xubno ka tirsan Alshabaab oo isku dhiibay ciidamada dowladda ee Baardheere

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dhowr maleeshiyo ka tirsan  Xarakada Al-shabaab ay isku dhiibeen ciidamada dowladda ee degmadaasi ku sugan.

Baardheere

Jaamac Muuse oo ka mida Saraakiisha ciidamada Milatariga Soomaaliya ee Baardheere ku sugan ayaa sheegay in 3 kamida Al-shabab oo uu ka mid yahay Amiir ka tirsan ururkaasi ay isku dhiibeen ciidamada Xoogga dalka ee jooga Degmada Baardheere iyadoo iskood ula soo xiriiray.

Xubnaha ka tirsan Alshabaab ee is dhiibay ayaa la sheegay in si weyn loogu soo dhoweeyay halkaasi, waana markii labaad ee xubno Alshabaab ka tirsan ay iska dhiibaan Baardheere oo dhowaan ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON