Xubno ka tirsan Alshabaab oo ku dhintay Qarax ay ku aasayeen Gudaha dalka Kenya.

Saddex qof oo loo malaynayo inay ka tirsanaayeen Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Kenya ayaa geeriyooday kadib markii maalintii Khamiista ay la qaraxday Miino ay ku aasayeen jidka deegaanka keynta ah ee Boni ee ka tirsan Ismaamulka Lamu ee dalka Kenya.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxdan ka kooban saddexda qof ay Miinadu kula qaraxday jidka lagu magacaabo Kwa Omollo ee ku teedsan wadada Bodhai-Baragoni. Jidka ay qaraxa ku aasayeen waxaa aad u isticmaala ciidamada iyo mas’uulyiinta dowladda Kenya, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay sii laba jibaaray howlgallo ay ku baacsanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysanaya dhulka howdka ah ee Xeebta.

Ciidamo iyo masuulyiin ka tirsan Dowladda Kenya oo tagay goobta ay ragaan Miinada kula qaraxday ayaa goobta ugu tagay meydadka sadexdaasi nin, sadex qori oo AK47 ah iyo qalab kale.

Ad

Dowladda Kenya ayaa dhowaan xirtay xuduudda ay Soomaaliya kala wadaagto dhanka Deegaanka Raaskaamboobi ee Jubada Hoose, waxaana jira ciidamo badan oo ay dowladddu gaysay deegaanka Kiyuunga ee Kenya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

124,513FansLike
971FollowersFollow
3,124FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!