Monday, June 23, 2025

Xubno ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay Duqeyn ka dhacday Gobolka Sh/Hoose

4 xubnood oo ka tirsanaa Kooxda  Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqayn xagga Cirka ah oo ka dhacday Gobolka Shabeellada hoose.

War kasoo baxay taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika -AFRICON  ayaa lagu sheegay in laba duqayn oo ay Diyaaradahooda oo kaabaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka geysteen isniintii todobaadkan tuulada Baqdaad ee Gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ay ku dileen Afar ka mid ah Argagixisada Al-Shabaab.

Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay, in duqeyn kale oo Axaddii ka dhacday meel ku dhow degaanka Dheeroow Sanle, ee isla Gobolka Shabeellada hoose lagu dilay Lix xubnood oo ka mid ahaa Al-Shabaab.

Ad

Howl-galka Maraykanka ee Africom, ayaa sheegay in duqeymahan ka dhacay Todobaadkan Gobolka Shabeellada hoose ayan dhimasho iyo dhaawacba kasoo gaarin Dadka rayidka ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON