Waxaa maanta magaalada Muqdisho maxkamad lagu saaray askar ka mida ciidamada AMISOM ee ka soo jeeda dalka Uganda,kadib markii lagu soo eedeeyay falal ka baxsan shaqadooda.
Maxkamadda oo ahayd tii ugu horeysay ee nooceeda ah oo ciidamadaasi lagu qaado ayaa xukunno kala duwan lagu riday.
Ciidamadan oo dhowr iyo toban gaarayay ayaa shan ka mida bishii June ay ciidamada dowladda Somalia ku soo qabteen iyaga iyo 10 qof oo Soomaali ah garaash ku yaala Muqdisho, xilli ay suuq madow ku iibinayeen rasaas iyo qalab ciidan.
Sarkaalkii ugu sarreeyay askartan ayaa lagu xukumay hal sano oo xabsi ah, darajadiisa oo hoos loo dhigay, iyadoo sidoo kale laga masaafuriyo Soomaaliya.
Askarta la maxkamadeeyey ayaa waxaa ku jiray qaar aanay ciidamada dowladda Soomaaliya soo xirin balse baaritaan kadib la ogaaday inay arrintan ku lug lahaayeen.
SAWIRRO
Goobjooge.com