Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun ku riday dagaalyahan ka tirsanaa Al-shabaab oo isagoo dhaawac ah lagu qabtay dagaal dhex maray ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Alshabaab.
Ninkan oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle lagu xukumay xabsi daa’in, isagoo lagu helay inuu ka mid ahaa ururka hubeysan ee Al-shabaab, qeybooda fulisa weerarrada tooska ah ee lagu qaado fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Cabdiraxmaan ayaa 26-kii bishii September 2019-kii lagu qabtay degaanka Baladul-Amiin, isagoo dhaawac ahaa, waxaana markii danbe laga jaray lug. Sidoo kale Xeer ilaalinta ciidamada Qalabka siada ayaa sheegtay in Cabdiraxmaan uu ka qeyb galay weerarro ka kala dhacay Bariire, Buulo-Mareer, Baraawe iyo Golweyn, tan iyo markii uu maleeshiyada Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2010-kii, xilligaas oo uu ka raacay magaalada Wanla-weyn ee gobalka Shabeellada Hoose.
Garsoorayaasha ayaaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle lagu xukumo xabsi daa’in sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka Sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute.
Sidoo kale Guddoomiye Shuute ayaa sheegay in xukunsanaha uu heysto fursad rafcaan uu ku qaadan karo muddo ku siman 30-cisho gudahood.