Maxakamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun ku riday dhalinyaro loo heystay Dacwad ciqaabeed ku saabsan Burcadnimo hubeysan.
Maxkamaddu waxay Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame xukumay 8-sano oo xabsi ciidan ah, waxay kaloo xabsi ciidan oo 5-sao ah ku xukuntay Cabbdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre, iyadoo sii deysay Maxamed Cabduqaadir Maxamed Cumar oo lagu waayey denbigii lagu soo eedeeyay sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Maxkamadda G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute.
Cabdikaafi Cabdi Jaamac iyo C/risaaq Warsame ayaa dadka ku dhici jiray Mooto Bajaaj, iyagoo ku hubeysan Bistoolado, wuxuuna sheegay eedeysanaha hore inuu dilo Askari ku sugnaa xaafadda taleex ee degmada Hodan, isagoo watay Bistoolad Teete ah, hadda ka horna fal burcadnimo loogu xiray saldhiga degmada Wadajir.
Dhallinyadaasi ayaa aheyd koox dhac ku geysata Bistoolado iyaga oo isticmaalaya Bajaaj, iyagoo dili jiray qofkii isku dhejiya ama diida waxyaabaha ay doonayaan inay ka dhacaan side Teleefoonada iyo Kombiyuutarrada.

