Monday, June 23, 2025

Xukuumadda oo Amarro kasoo saartay isu imaanshaha Dadka & shirarka (Bannaanbixii Mucaaradka oo..)

Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta ayaa soo saartay Amarro ku saabsan cudurka Covid-19 oo lagu joojiyay isu imaatinka dadka, shirarka iyo bannaanbaxyada.

Wasiirada Amniga, Warfaafinta iyo Caafimaadka oo ay wehliyaan taliyeyaasha ciidamada oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xaaladda cudurka Covid-19 dartiis la joojiyay inay dadki isu soo baxaan ama isugu yimaadaan goobaha caamka ah, lana fasaxay shaqaalihii dowladda.

Wasiirka Amniga oo la weydiiyey inuu arrintan saameyn ku yeelaneyso bannaabaxa ay maalina Jimcaha ah shaaciyeen inuu Muqdisho ka dhacayo musharixiinta Mucaaradka ayaa sheegay inuu soo hoos gelayo isu imaatinka la joojiyey, laakiin aanu jirin bannaanbax ay ka war qabaan ama lagu soo wargeliyey.

Ad

Xukuumaddu waxay soo saartay amarradan:
1- In la fasaxay shaqaalihii Rayidka ahaa ee dalka marka laga reebo shaqaalaha mahuraanka ah ee aan laga maarmi karin illaa amar dambe.
2- In gebi ahaanba la’ joojiyey isu imaatinada iyo isu ururka bulshada.
3- In ay waajib tahay in dadka ka shaqeeya meelaha aan looga maarmi karin ay qaataan Afsaar ama Mask
4- In la joogteeyo kala fogaanta masaafo aan ka yarayn Hal mitir illaa laba mitir
5- In la yareeyo isu socodka gobolada iyo safarada laga maarmi karo
6- In masaajidada oo ah goobo cibaado bulshaduna si joogto ah isugu timaaddo lagu dedaalo kala fogaan, af dabool iyo nadaafadda oo kor loo sii qaado.
7- In Ciidamada amnigu ay u xilsaaran yihiin dhaqan gelinta go’aamadan.
8- Goobaha Waxbarashada, gaadiidka dadweynaha iyo goobaha ciyaaraha waxa loo xakamayn doonaa si gaar ah.

Dowladda Federaalka ayaan wax tallaabo ah u qaadin markii dunida ay xayiraad saartay dadka ka yimaada dalalka UK, South Africa iyo dalla kale oo uu ka dilaacay Corona-ha nooca cusub, mana jiraan tallaabooyin la dhaqan geliyey ilaa hadda, iyadoo la tuhunsan yahay inay arrintan loola dan leeyahay ka hortagga bannaanbaxa ay mucaaradka qorsheeyeen inuu Muqdisho ka dhaco 19-ka bishan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON