Xukuumadda Soomaaliya ayaa faragelin ku sameysay xaalad ka dhalatay Idaacadda Degmada Barawe, kadib marki laga joojiyey inay afka dadka Baraawe ku baahiso qar ka mida Barnaamijyadeeda.
Kadib markii maamulka Idaacadda Baraawe ay shaaciyeen in guddoomiyaha Degmada uu soo gaarsiiyey amar ku saabsan in idaacadda laga joojiyo afka dadka degmada Baraawe ee ay ku baahiso qaar ka mida Barnamijyadeeda ayaa waxaa baraha bulshada qabsaday qoraallo cambaareyn ah oo si weyn loo wadaagay, taasoo keenay in madaxda xafiiska Ra’iisal wasaaraha ay arrintan soo farageliyaan.
Wasiiur dowlaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha C/llaahi Xaamud ayaa dadka la wadaagay inuu la xiriiray Madaxweynaha K/Glabeed C/casiis Lafta-gareen, isla markaana uu ballanqaaday in degdeg dib loogu soo celin doono afka Barwaaniga, kadibna wuxuu mar kale shaaciyey in shuruud la’aan Raadiyaha Baraawe hawada dib loogu soo celiyay.
Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Maamulka K/Galbeed Ugaas Xasan Cabdi ayaa shaacisay inaan lahjad aan ahayn Maay iyo Maxaa tiri laga baahin karin idaacadda Baraawe, isagoo ku eedeeyay inay sharci darro ahay waxa ay ku kacday idaacadaasi amarkiisana lagu joojiyey.
Baraha bulshada ayaa muddooyinkan noqday halka laga hago siyaasadda dalka iyo go’aan qaadashada, iyadoo khalad kastoo dhaca ay dadku u adeegsadaan inay dowladda cadaadis ku saaraan Baraha Bulshada oo saameyntooda la arkay.