Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda UNDP ayaa maanta kala saxiixday heshiiska mashruuca la-qabsiga Cimilada oo ujeedkiisu yahay in dadka reer Miyiga ah ay helaan adeegyo ay ka mid yihiin biyo nadiif ah oo ku filan.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo wakiilka UNDP ee Soomaaliya, Jocelyn Mason ayaa si wadajir ah u saxiixay mashruucan oo afar sano ah socon doona, kasoo uu hoggaaminayo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo ay dhaqan gelineyso Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.
Waxaa Mashruuca ku baxaya 10 milyan oo doolar, waxaana $8.5 milyan oo ka mida bixinaya Sanduuqa hay’adda Deegaanka adduunka, iyadoo 1.5 Milyan oo kale ay bixineyso Hay’adda UNDP. Mashruuca ayaa looga hortegayaa saameynta ka dhalatay isbedelka cimilada.
Wakiilka UNDP ee Somalai ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu arkoiyadoo uu bilowday mashruuca, si loo helo biyo nadiif ah oo lagu badbaadinayo nolosha dad badan, taasoo la xiriira nabadda iyo la-dagaalanka saboolnimada.