Friday, April 26, 2024

Xukuumadda Somaliya oo shaacisay tirada Alshabaab ee dagaalka lagu dilay Muddo 4 Bilood ah

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay tirada Maleeshiyadaadka Alshabaab looga dilay muddo 4 bilood ah oo uu socday howlgalka ciidamada Dowldada iyo maleeshiyada macawisleyda.

Shir uu guddoomiyey Ra;iisal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa looga hadlayey xaaladda amniga dalka iyo cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya muddada dheer, iyadoo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha ayaa ka warbixiyay hawlgallada dib u xoreynta, oo illaa hadda guulo waaweyn laga gaaray gaar ahaan gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta Alshabaab ayaa warka kasoo baxya Xafiiska Ra’iisal wasaraha lagu dilay in ka badan 2000 oo maleeshiyaad Khawaariij ah.

Ad

Shirka oo ay ka qeyb galeen taliyeyaasha ciidamada iyo Agaasimah NISA waxaa lagu soo jeediyay dhismaha Guddi ka kooban laba heer oo kala ah guddi fulin iyo guddi farsamo oo ka shaqeyn doona fulinta bartil-maameedyada qorsheysan ee Dowladda Soomaaliya ku xaqiijinayso in dalka si dhameystirsan looga qaado Cunaqabataynta hubka muddo sanad gudaheed ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON