Thursday, July 17, 2025

Xukuumadda Somaliya oo sheegtay in howlgalkii Awdheegle ay fuliyeeny ciidamada Kumaandooska DANAB iyo Mareykanka

Xukuumadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in weerarkii lagu qaaday calay Degaanka Awdheegle ay wadajir u fuliyeen ciidamada Kumaandooska Soomaalida iyo kuwa Mareykanka.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya C/salaam Caato ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay in Ciidamada gaarka ee kumaandooska Soomaalida ee DANAB iyo ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ah wadajir u fuliyeen weerarkii ka dhacay Awdheegle.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in howlgalka uu ahaa mid lagu guuleystay, isagoo aan faahfahin kale ka bixin. Hore ayaa weriyeyaal ku sugan Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka uga soo xigteen saraakiisha Pentagon-ka in weerarka Awdheegle ay wadajir u fuliyeen ciidamada kumaandooska Soomaalida iyo Mareykanka.

Waa markii ugu horeysay ee ciidamo wadajir ah oo isugu jira Mareykanka iyo Soomaalida ay howlgal wada fuliyaan, taasoo noqoneysa heer cusub oo ciidamada Soomaalida soo gaareen.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON