Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay amar lagu diiwaangelinayo Dugsiyada Waxbarashada dalka, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday Wasaaradda Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya.
Qoraalka Wasaarada Waxbarashada ayaa ku amray Dhammaan Dugsiyadda waxbarashadda ee Dalka inay si deg deg ah isaga diwaan geliyaan Wasaaradda waxbarashada Soomaaliyeed xarumaheeda kala duwan, isla markaana la hubinayo tirada guud ee Dugsiyada iyo tayada waxbarasho ay bixiyaan.
Warqada Wasaaradda Waxbarashadda waxaa ku saxiixnaa Wasiir dowlaha Wasaaradda C/raxmaan Maxamuud Cabdulle, waxaana mudadda is-diiwaangalinta loo qabtay y ilaa 30 Bisha Ogost.
AKHRISO QORAALKA
