Monday, July 14, 2025

Xukuumadda Soomaaliya oo xil wareejin ku sameysay Hanti-dhowrihii hore Nuur Faarax

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhaqaaqday xil wareejin ay ku sameysay hantidhowrihii dhowaan ay xilka ka qaadeen golaha wasiirada iyo madaxweynaha.

Munaasbad ka dhacday Muqdisho ayaa xilkii hanti dhowrka guud ee Qaranka waxaa la waregay ku xigeenka hanrti dhowrka Cali Abuukar Axmed, waxaana goobta ka maqnaa hanti dhowrihii hore oo xil ka qaadistiisa ku tilmaamay sharci darro.

Waxaa goobta ka hadlay Wasiirka Caddaaladda oo sheegay in hanti dhowrihii guud xilka laga qaaday, isla markaana uu si KMG ah u sii heyn doono kuxigeenkiisa. Waxaa munaasabadda ku sugnaa Wasiirka Maaliyadda iyo xubno kale oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

Hanti dhowrihii Guud ee xilka laga qaaday Nuur Faarax Jimcaale ayaa qeyb ka ah kiiska dilka wasiirkii howlaha Guud Cabbaas Nuur Siraaji.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON