Shirkii Golaha wasiirada ee maanta ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo uu ugu weyn yahay muranka ka dhashay Qorshaha Amniga (National Security Architecture).
Wasiirka difaaca xukuumadda Soomaaliya ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyay kulan xalay dhex maray Guddiga Difaaca Baarlamaanka iyo guddoonka oo looga hadaly qorshaha amni ee ay ku heshiiyeen madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda maamul Goboleedyada dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in ay qanciyeen Guddiga Baarlamaanka, isla markaana xal laga gaaray arrintii Qorshaha ammaanka.
Mooshin ay Guddiga Difaaca hor geeyeen Baarlamaanka Talaadadii ayaa si weyn looga horjeestay qorshe amni oo dowladda federaalka ay taageero uga raadineyso shirk London, waxaana mooshinku weli ka furan yahay Baarlamaanka.
Goobjooge.com
National Security Architecture: Qorshaha Amniga & Dib u dhiska Ciidamada Dalka [AKHRISO]