Sunday, July 13, 2025

Xukuumadda xilgaarsiinta oo jawaab ka bixisay Go’aanka Kenya ku joojisay Duulimaadyadii Somaliya

Xukuumadda xilgaarsiinta Federaalka ayaa sheegtay inay waxba kala socon go’aanka dowladda Kenya ku joojisay duulimaadyadii tegayay Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda xilgaarsiinta Durraan ayaa sheegay inay kaliya ogaadeen go’aanka Kenya markii uu soo baxay, isla markaana aanu jirin wax xiriir ah iyo ogeysiin oo Kenya uga yimid, kuna noqday lama filaan iyo arrin cajiib ah.

“Wax lala yaabo ayey noola muuqataa, iyadoo xiriirka diblomaasi Soomaaliya soo celisay, inay xaaladda geyso meel kasii fog meeshii hore, lama filaan ayey nagu noqotay..” ayuu yiri wasiirka oo sheegay inay arrintan jawaab ka bixin doonaan marka ay darsaan.

Kenya ayaa si lama filaan ah u joojisay dhammaan duulimaadyadii ka tegi jiray dalkeeda ee ku socday Soomaaliya iyo kuwii uga imaan jiray, iyadoo aan wax sabab ah sheegin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON