Tuesday, August 12, 2025

Xukuumadda xilgaarsiinta RW Rooble oo u digtay siyaasiyiin faraha kula jira Ciidamada (Yaa loola jeedaa?)

Xukuumadda xilgaarsiinta ee Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dingiin u dirtay siyaasiyiin ay ku eedeysay inay faraha kula jiraan arrimaha ciidamada.

Wasiir ku xigeenka Warfafinta xukuumadda xilka sii heysa ayaa Warbaahinta dowladda ka akhriyey farriin uu sheegay inay ka timid Xafiiska Ra’iisal wasaaraha, isagoo sheegay in arrimaha ciidamada loo xil saaray Ra’iisal wasaaraha, amarna uu ku bixiyey in magaalada Muqdisho laga saaro ciidamada, lana baabi’iyo astaamaha colaadeed ee Muqdisho ka abuurmay.

Wuxuu uga digay siyaasiyiin uu sheegay inay is og yihiin inay faraha kala baxaan ciidamada . “Nasiib darro waxaa jira dhaqdhaqaaqyo ay gadaal ka taagan yihiin siyaasyiin doonaya inay fashiliyaan dadaalka Ra’iisal wasaaraha.. dadkaas siyaasiyiinta ah iyo shaqsiyaadkaas waxaan uga digeynaa ka joogsadaan; looma dulqaadan karo inay weli jiraan siyaasiyiin faraha kula jira arrimaha ciidamada..” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta.

Wuxuu sheegay in dhaqdhaqaaqyada socda loo arkayo arrimo qarsoon ee ka baxsan arrimaha la isku hayey, kana waantoobaan.

Warkan ayaa ka danbeeyay markii uu qoraallo dhaliil ah uu baraha bulshada ku baahiyey Xildhibaan Mahad Salaad, taasoo keentay inuu u jawaabo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta oo ku dhow Rooble.

Sidoo kale Senetor Muuse Suudi ayaa si kulul uga hadlay xaaladda Muqdisho in Farmaajo ay tahay inuu ka baxo Villa Somalia, isagoo ku hanjabay inaan waxba looga qaadi karin ciidamo magacyo kala duwan loo bixiyey.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON