Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 ayaa 1-0 kaga guuleyustay xulka dhiggooda a ee dalka Kenya ciyaar Galabta ka dhacday dalka Burundi oo ka tirsaneyd koobka bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA.
Xulka Qaranka Kubadda Cagta ee da’yarta Soomaalida ee 17 jirada ayaa guushoodu tahay mid muhiim ah, waxayna sidaasi Soomaaliya ugu soo baxday wareegga Afar dhammaandka ee semifinalka.
Waa markii ugu horraysay tobannaan sano ee xul Soomaaliyeed uu soo gaaro heerkaasi, waxaana guushan soo dhoweeyay xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta iyo Wasiirka ciyaaraha dowladda Soomaaliya.