Waxaa galabta Garoonka Banaadir ee magaalada Muqdisho ka furmay tartanka Kubbada Cagta Dowlad goboleedyada Soomaaliya.
Ciyaartii furitaanka ayaa waxaa ku loolamay xulalka G/Banaadir iyo Jubbaland, waxaana guul dirqi ah ku 2-1 ku badiyay Gobolka Banaadir.
Qeybtii hore ayaa ku idlaatay goolal la’aan barbardhac ah, waxaase qeybtii labaad ciyaartoyda G/Banaadir u qaata N. 7aad ee Maxamed Cusmaan Abuukar u dhaliyay goolkii koowaad, iyadoo goolka labaad ay iska dhaliyeen xulka Jubbaland, waxaana ciyaartii ku soo dhammaatay 2-1 oo G/Banaadir ay guushii ku raacday.
Maalinta Axadad ayaa lagu wadaa inay ciyaar kale isku arkaan xulalka Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo ku wada jira Group-ka B.