Sunday, July 13, 2025

Xulkii ugu danbeeyay ee Qaaradda Afrika oo laga reebay koobka Adduunka ee Russia 2018 [Sawirro]

Xulkii ugu danbeeyay ee Qaaradda Afrika ayaa ka haray koobka kubadda Cagta Adduunka ee ka socda dalka Ruushka.

Xulka Senegal ayaa waxaa 1-0 ku suuldaartay xulka Colombia, waxaana, dhinaca kale xulalka Japan iyo Poland ciyaar dhex martay 1-0 ku badiyey Poland, taasoo keentay in Japan iyo Senegal ay isku dhibco iyo isku goolal noqdaan, waxaana loo eegay ciyaa wanaag, taasoo micnaheedu yahay in la fiiriyo kaararkii ganaaxa ee loo taagay cayaartoyda intii uu tartanku socday.

Japan waxaa ciyaartoydooda la siiyey 3 kaarka Jaallaha ah, halka ciyaartoyda Senegal la siiyey 6 kaarka Jaallaha ah intii uu tartanka socday, sidaa ayeyna Senegal ugu hartay wareegga koowaad.

Group-ka H waxaa kasoo gudbay oo wareegga labaad ee bug baxda ciyaaraha xulalka Colombia iyo Japan, waxayna tani ka dhigan tahay in dhammaam xulalkii ka socda Qaaradda Afrika ay ku hareen wareegii koowaad, waxaan Senegal ka horeeyay oo koobka ka huleeyay Masar, Maroco iyo Tunisia.

Waa markii ugu horeysay ee dalalka Afrika ay dhammaantood ku wada haraan wareega koowaad tan iyo sanadkii 1982.

986184976

986181854986181978

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON