Thursday, June 26, 2025

Xuseen Cabdi Xalane oo tegay Magaalada Kismaayo, kuna dhawaaqay…

Wasiirkii hore ee Maaliyadda xukuumada Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane oo maanta ka degay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay warar la isla dhex marayay oo sheegayay inuu musharax u yahay jagada madaxweynaha Jubba ee 15-ka bishan ka dhici doonta magaalada Kismaayo.

Xuseen Cabdi  Xalane
Xuseen Cabdi Xalane

Isagoo ka hadlayay xaflad lagu furayay dhismooyin loo dhisay laba wasaaradood oo Kismaayo ka dhacday ayuu sheegay Xuseen Cabdi Xalane inuusan musharax ahayn ee uu taageerayo Axmed Madoobe. “Aniga waxaa idin caddeynayaa inaan musharax ahayn, musharaxeygu waa Axmed Madoobe intii Jubbaland horumarkeeda rabtana waa musharaxooda, isagoo jabhad ah oo geed hoos fadhiya ayaan taageeri jiray marka igama suurowdo hadda uu madaxweyne yahay inaan la tararamo” ayuu yiri Xuseen Cabdi  Xalane oo meesha ka saaray in isagu uu musharax yahay, lana tartamayo Axmed Madoobe.

Kadib markii uu xil ka waayay Mr. Xalane xukuumadda Cumar C/rashiid ayuu xil hoose ka qabtay urur Goboleedka IGAD ee  xaruntiisu tahay magaalada Jabuuti.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON