Xuska Sanadguurada 17aad ee Puntland oo ka socda Garowe & Calanka Putnalnd oo lagu gubay Buuhoodle
Bannaabax lagu maamuusayo sanadguuradii 17-aad ee dhismaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ka socota magaalada Garowe ee xarunta maamulkaasi oo ay isugu soo baxeen dadweyne fara badan iyo mas’uuliyiinta maamulkaasi.
Barxada Garowe ayaa waxaa isu soo baxay dadweyne iyo ardayda dugsiyada oo u dabaaldegaya maalintii la dhisay Puntland, waxaana ka dhex muuqday mas’uuliyiinta maamulka Puntland oo uu ugu horeeyo madaxweyne ku xigeenka.
Dhinaca kale dadka degmada Buuhoodle ayaa maanta weeraray goob la doonayey in lagu qabto xuska munaasabadda dhismaha Puntland, wararka ayaa sheegaya in lagu dhaawacay dhowr qof oo xaflada soo qabanqaabiyay iyadoo rasaas halkaasi ay dhacday. Calanka mamulka Puntland ayaa la sheegay in lagu gubay halkaasi.
Xafladii Buuhoodle ayaa isu bedeshay qas iyo kala carar markii kooxo iska horjeedo ay is fara saareen isla markaana ay rasaas goobta ka dhacday.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]