Doodii ka taagneyd heshiis keenay in dekadda Muqdisho lagu wareejiyo shirkad Turki ah oo lagu magacaabo Albeyrak ayaa qaboobay kadib markii ay shir yeesheen Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya C/weli Sheekh Maxamuud oo ay la socdaan wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekadaha iyo guddiga joogtada ah ee Baaarlamaanka Soomaaliya, shirkaas oo ahaa mid uu codsaday ra’iisal wasaaraha kadib markii baarlamaanka ku baaqeen in ra’iisal wasaaraha hor yimaado baarlamaanka si wax looga weydiiyo sababta shirkadda Albeyrak loogu wareejiyay Dekadda Muqdisho iyadoo uu yaallo go’aan Baarlamaanku ku gaaray inaan la wareejin karin dekadda.

Shirka labada dhinac dhex maray oo xiiso lahaa inta warbaahinta dowladda ay soo xigatay (ka dhageyso halkan dooda dhex maray labada dhinac) ayaa Ra’iisal wasaaruhu cudurdaar ku bixiyay wixii dhacay, iyadoo wasiirkuna faahfaahin aan lagu qancin ka bixiyay sida uu ku wareejiyay dekadda isagoo ku xadgudbay go’aankii Baarlamanka.
Haddaba arrintii dekadda oo u muuqata inay martay halkii uu hore u maray garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa dhinaca kale waxaa la yaab leh sida xildhibaanada uga aamuseen arrintan xasaasiga ah, waxaana muuqda inay hareyn doonaan mowjadaha siyaasadeed ee dib ka yimid sida khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha, halkaasi ay ku lumi doonto doodii cadaaladda ahayd ee ahayd in la ogaado sida loo bixiyay dekadda iyo inay sharci tahay.
Goobjooge.com ayaa soo xaqiijisay in dekadda lagu bixiyay qaab odaytinimo ah sida laga soo xigtay madaxweyne Xasan Sheekh oo ah inuu hore balanqaad afka ah ku bixiyay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed kana balan qaaday ra’iisal wasaarihii Turkiga (madaxweynaha xilligan) Dayib Rajab Ordogan, iyaguna aanay ka daba hadli karin; inkastoo aan la ogeyn xaqiiqada warkan haddana waxaa jirta in madaxweyne Xasan Sheekh uu dabada ka riixayay in dekadda lagu wareejiyo shirkadda Albeyrak, arrimo kale oo ku xiriirinaya isaga heshiiskanina ay jiraan oo aanu ku daba jirno.
Goobojooge Info
Muqdisho