Thursday, June 8, 2023

Madaxweyne Erdogan oo wajahaya Tartankii ugu adkaa iyo Rajada Dib u doorashadiisa (Warbixin)

Waxaa meel xasaasi ah maraya ololaha doorashada madaxtinimada ee Turkiga oo lagu wado inuu dalkaasi ka dhacdo 14-ka May 2023.

Doorashadan oo ah tii ugu adkeyd ee uu wajahayo Madaxweynaha Turikiye Recep Tayyip Erdogan waxaa kula loolamaya Musharax ay ku midoobeen Mucaaradka ee xisbiga ugu weyn Kemal Kılıcdaroglu.

Saadaallo badan ayaa laga bixiyey Doorashada, waxaana inta badan ku horeeya Madaxweyne Erdogan, waxaana dadka qaarkii saadaalinayaan in Doorashada aan lagu kala bixi doonin ee wareeg labaad loo baahan doono.

Ad

Recep Tayyip Erdogan iyo Musharaxa ay sida weyn u loolamayaan ee Kemal Kilicdaroglu ololeyaal waaweyn ka wada magaalooyinka dalkaasi, iyagoo dadweyne kula hadlaya isu soo baxyada ka socda dalka Turkiga.

Erdogan oo muddo 20 sano ah Turkiga soo hoggaaminayay, soona qabtay xilalka Ra’iisal wasaare iyo Madaxweyne ayaa ku ololeynaya horumarka uu dalkiisa ka gaarsiiyay warshadeynta, siiba Difaaca, Shidaal soo saarista iyo awoodda iyo horumarka Turkiga.

Magalada Ankara ayaa isu bedeli doonta xarunta ugu weyn ee khadadka tareenada dheereeya, sida uu sheegay Madaxweynaha Turkiyeo marka la dhameeyo mashaariicda hadda socda.

- Advertisement -

Dhinaca kale Musharaxa Mucaaradka Kamal Kilicdaroglu ayaa sheegay inuu Dalka Turkigu u soo celin doono iftiinkii ka damay, wuxuuna intaasi ku daray “Doorashadan waa doorashadii dib loogu dhisi lahaa Dimuquraadiyadeena… “Dalkan nabaddii ayaan ku soo celinaynaa, waxaan soo celin doonaa walaaltinimadii dalkan”.

Doorashada Turkiga ee 14-ka May, ayaa u muuqata afti loo qaadayo Madaxweyne Erdogan. Erdogan waa 69 sano jir, waxaana uu la tartamayaa 3 musharax oo uu ugu horreeyo musharraxa ugu weyn ee Kılıçdaroğlu oo ah 74 sano jir, musharaxa isbahaysiga 6 xisbi mucaarad ah.

Musharaxa mucaaradka ayaa taageero aan hore loo arag ka helay xisbiga garabka bidix ee taageera xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Kurdida ee HDP, waxayna Ra’yi ururin saadaalin ah lagu sheegay inay dhici doonto doorasho madaxtinimo oo aad u adag, taasoo loo badinayo inay noqon doonto tii ugu adkeyd ee natiijadu isu dhowaan doonto.

Go’aaminta cidda noqon doonta Madaxweynaha cusub ee Turkiye ayaa la filayaa inay Natiijada cod bixinta la isla gaari doono wareegga labaad oo dhici doona 28-ka May.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!