Warar is khilaafsan oo kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka hogaamiye sare oo ka tirsan ururka Alshabaab Sheekh Maxamed Dulyadeyn oo loo heysto inuu abaabulay weeraro badan oo ka dhacay Soomaaliya iyo Kenya.
Dilka Maxamed Kuna oo loo yaqaan Dulyadeyn ayaa ka dhacay degaanka Buulogaduud ee u dhow magaalada Kismaayo, waxaana fuliyay kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Mareykanka, laakiin waxaa durba soo baxay sheegashooyin kala duwan.
Meydad lagu soo bandhigay magaalada Kismaayo oo ka dhashay howlgalkii Buulogaduud ayaa la sheegay inuusan ka mid ahayn Sheekh Dulyadeyn, waxaana maamulka Jubba ay sheegeen inay iyagu ka danbeeyeen dilka raggaasi, halka dowladda Federaalka ay sheegtay in ciidamada DANAB ee kumaandooska Soomaalida ay howlgalka fuliyeen, waxaana sidoo kale la sugayaa dowladda Mareykanka oo howlgalka qeyb weyn ku lahayd.
QAAR KA MIDA MEYDADKII LASOO BANDHIGAY