Thursday, June 26, 2025

XOG: Wasiir Odowaa oo amar howl joojin ah u diray Maamulka Gobolka Banaadir [Akhri faahfaahin amarkan]

Xog ay heshay Goobjooge.com ayaa sheegeysa in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay  amartay in la joojiyo ololihii maamulka Gobolka Banaadir waday ee burburinta iyo bedelka Boorarka Ganacsiga ee caasimada Muqdisho kadib markii wasiirka arrimaha gudaha amar af ah ku siiyay maamulka inay si degdeg u joojiyaan howlgalkaasi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa xiriir toos ah la sameeyay ku xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye isagoo ku amray in la joojiyo howsha Boorar fujinta iyo calaamadeynta ah ee maamulku ka waday magaalada Muqdisho.

Amarkaas kadib ayaa maamulka Gobolka Banaadir hakiyay howgalkii Boorar burburinta ahaa, iyadoo afhayeenka Gobolka uu sheegay in cabasho ka timid Ganacsatada darteed loo hakiyay arrintaasi, balse dhabtu ahayd amar ka yimid wasiirka arrimaha gudaha.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON