Faafhaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qaraxii 31-ka May 2020 ka dhacay degaanka Xaawo-Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen shacab fara badan.
Qaraxa oo ahaa Miino dhulka la dhigay oo ku qaraxday Gaari BL ah oo ay la socdeen dad shacab ah oo ku sii jeeday degmada Wanlaweyn ee Gobolka Sh/hoose ayaa ilo ku Dowladda Soomaaliya saraakiisha Amniga waxay sheegeen inay ka danbeeyeen kooxda Daacich ee Soomaaliya.
Qaraxa waxaa ku geeriyooday in ku dhow 10 qof iyo dhaawaca ku dhowaad 20 kale oo u badan hal qoys, waxaana warbixin TV-ga Dowladda laga sii daayey lagu sheegay inay Daacish ka danbeysay Qaraxan oo noqonaya kii ugu qasaaraha badnaa ee Daacish abaabusho.
Kooxda Daacish ee Soomaaliya oo fadhigoodu yahay Gobolka Bari ayaan awood badan ku lahayn Koonfurta dalka, iyagoo dagaal kala dhaxeeyo Alshabaab iyo dowladda Federaalka, waxaana haddii warkan dhab noqdo ay caddeyn u tahay inay Daacish-ta ka howlgala Koonfurta Soomaaliya ay xoojisay awoodeeda.
