Monday, June 23, 2025

Yaa ka dambeeyay Weerarkii Liido..? Nin Somali ah oo heysta Dhalashadda Holland

Wargeyska Netherlands Times ee ka soo baxa dalka Holland ayaa qoray in Ninkii ka dambeeyey Weerarkii Alshabaab habeen hore ku qaadeen Xeebta Liido uu yahay Nin Somali ah oo haysta Dhalashadda dalka Holland ama Netherlands.

Weriye lagu magacaabo Harald Doornbos, kana faallooda Arrimaha Dagaalladda ayaa sheegay in Ninkii ka dambeeyey Weerarkaas lagu magacaabo Ismaaciil Muuse Axmed Guuleed laguna qabtay Muqdisho.

Harald Doornbos waxa uu Warkaasi ku xaqiijiyey Wareysi uu siiyey Wargeyska NL Times iyo Telefishinka iyo Idaacad Gobaleedka Dowladda Holland ee Omroep Brabant ee Gobalka Waqooyiga Brabant ee dalka Holland .

Ad

Wargeyska Netherlands Times waxa uu qoray in Ismaaciil Muuse Axmed Guuleed la rumeysan yahay inuu ku lug lahaa Weerarkii sannadkii hore ka dhacay Hotelke Central Hotel iyo Weerar kale oo sannadkii 2014-kii ka dhacay dalka Jabuuti, laguna dhaawacay 6 Askari oo u dhalatay dalka Holland oo ku sugnaa Jabuuti.

Wargeyska waxa uu qoray in Weerarkii habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay ka dhacay Xeebta Liido ka qeyb qaleen 8 qof oo ka tirsan Alshabaab, oo 6 ka mid ah la dilay, mid uu Isqarxiyey, halka midka kalena ay Ciiddanka Ammaanka qabteen, kaasi  oo la rumeysan yahay inuu yahay Ismaaciil Muuse Axmed Guuleed oo isagu dalka Holland Qaxooti ahaan u tegay sannadkii 1992-kii.

Wargeyska waxa uu tilmaamay in Ninkaasi deganaan jirey magaallooyinka Helder iyoTilburg ee dalka Holland.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Saxafiga Madax-bannaan ee Harald Doornbos ee ka faallooda Arrimaha Dagaalladda, waxa uu sheegay in Ismaaciil Muuse Axmed Guuleed uu Holland ku guursaday gabar Somali haysata Dhalashadda dalka Holland.

Harald Doornbos  waxa uu intaasi ku daray inuu rumeysan yahay in Xaaskiisa Ismaaciil Muuse ahayd Haweeneydii sannadkii hore isku qarxisay Hotelka Central Hotel ee magaalladda Muqdisho.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Holland wey u xaqiijin kari waayeen Telefishinka iyo Idaacadda Omroep Brabant Public Broadcasting regional television and radio broadcaster in the North Brabant Province  waxa ka jira wararka sheegayo in Nin haysta Dhalashadda Holland loo qabtay Weerarkii ay Alshabaab habeen hore ku qaadeen Xeebta Liido.

Si kastaba ha ahaatee, Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda Federalka waxay sheegeen inay qabteen Ninkii Maskaxda u ahaa Weerarkii Alshabaab ee Xeebta Liido, inkastoo aan weli weli la shaacinin  magaca Ninkaas, mana kala cadda in Ninka ay Hay’addaha Ammaanka qabteen uu  yahay Ninka aay Warbaahinta Holland shaaciyeen magaciisa iyo sawirkiisa.

- Advertisement -

Alshabaab ayaa sheegatay Weerarkii Baarka Lido Sea Food oo oo ay ku geeriyooday Labaatameeyo qof oo rayid ah, kuwaasi oo si farxad leh u wada shaahayey.

Beesha Calaamka waxay si wadajir ah u cambaareeyeen Weerarkaasi oo laga wada argagaxay, maadaama dadka lagu dilay ahaayeen dad rayid ah oo aan hubeysnayn.

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON