Thursday, June 26, 2025

Yaa ka dambeeyay Xayiraadda la saaray Diyaaradihii soo qaadi lahaa Madaxweyne Xaaf..? [Akhriso]

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa qarxiyay mas’uulkii ka dambeeyay xayiraad la saaray maanta madaxweynaha Galmudug oo muddo saacado ah ku xayirnaa magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa sheegay in dowlada federaalka ay  xayirtay diyaarad uu u soo qaadan lahaa magaalada Cadaado, isla markaana ay ku qaadatay muddo 5 saacadood ah inuu ku sugnaado Garoonka Hargeysa, isagoo waayay diyaarad uu soo qaato.

Xildhibaan Fiqi ayaa soo bandhigay email uu shirkadaha diyaaradaha diray agaasime ku xigeenka hay’adda socdaalka dowladda Soomaaliya Axmed Macalin Xasan oo diyaaradaha ku amrayo inaysan ku degi karin garoomada Cadaado iyo Gaalkacyo arrimo farsamo dartood.

HOOS KA AKHRI EMAIL-KA

Arrintan ayuu xildhibaanka ku tilmaamay fadeexad, isagoo dalbaday in tallaabo laga qaado ciddii falkaasi ka dambeysay iyo faragelinta lagu sameeyay maamulka Galmudug.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON