Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xasuuq ka dhacay Degaanka Gololleey ee degmada Balcad oo lagu laayey 8 qof oo u badnaa dhalinyaro ka howlgaleysay MCH-ka degaankaasi.
Meydadka dhalinyarrada oo laga qafaashay xarunta MCH-ka oo ay maamusho Hay’adda ZAMZAM ayaa galabta lasoo dhigay meel u dhow degaanka Gololleey, waxayna dadka degaankas heegen in ciidamada falkan geysay ay ka tirsan yihiin cidamada dowladda ee Qeybta 27-aad.
Ma jirto cid xaqijisay cidda ka danbeysay xasuuqa dadkan, laakiin dadka degaanka waxay isku raacsan yihiin in cidamada dowladda ay geysteen falkan, markii tilmaan laga bixiyey raggii shalay halkaasi tegay ee qafaashay 8-da qof.
Nabadoon Maxamed Cali Madoobe oo ku sugan Balcad ayaa sheegay in ciidamada ay ku lebisnaayen Dharka ciidamada dowladda, isla markaana ay dadka iska qariyeen oo cimaamado afka ku duubteen, lana aqoonsaday Gaadiidkii ay wateen, wuxuun caddeeyay in degaanka falkaasi ka dhacay ay degan yihiin ciidamada qeybta 27-aad.
Mid ka mida Waalidka ragga lagu dilay Gololley Muuse Maaxi Abuukar ayaa sheegay in falkaasi uu geystay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Abuukar Boonow oo ah G/Dhexe oo hadda ka hor uu dad kasoo xirxiray degaankaasi.
Sarkaalka la eedeeyay ee Abuukar Bonow ayaa sheegay in dadka la dilay aya qaraabadiisa hoose yihiin, ayna raadinayeen markii la waayey raggaasi, isagoo tegay degaanka Raaxooy ee cidamada degan yihiin, balse ay ka waayeen, kadibna meydkooda la helay; wuxuuna beeniyay eedeynta loo jeediyay ciidamada dowladda.
Odayaal, siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda degaanka ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidamada dowladda ay falkaasi xasuuqa ah ka dambeeyeen, sid ay caddeyeen dadka degaanka, laakiin afhayeenka Madaxweynaha Hirshabeelle Daa’uud Cirro ayaa ku eedeeyay in falkaasi ay geysteen Alshabaab oo aysan jirin cidamo dowladeed oo arrintaas ku kici kara, sida uu yiri.
Dhinac kale meydadka dadka lagu xasuuqay degaanka Gololeey ayaa caawa la gaarsiiyey magaalada Muqdisho, iyadoo xarunta CID-da baaritaan ku sameyneyso.
Sidoo kale Qoraal kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay falkaasi naxdinta leh, iyadoo hay’adaha Amniga la amray inay baaris degdeg ku sameeyaan.
