Wiil dhalinyarro ah oo ka mida ciidamadii loo qaaday dalka Eritrea, balse kasoo goostay oo ay soo bandhigtay Puntalnd ayaa maanta lagu aasay degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.
Marxuum Cabdimaalik Cabdullaahi Xaaji xasan oo 2 sano iyo afr bilood ku maqnaa Eritrea ayey u suuragashay inuu kasoo baxsado, isagoo soo maray Itoobiya, Somaliland iyo Puntland, kadibna u yimid qoyskiisa oo degan Afgooye.
Wiilka oo 20 sano jir ahaa ayaa u dhintay Toorey uu ku dhuftay wiil ay saaxiibo ahaayeen, kaasoo muran dhex maray, isuna bedelay dagaal, sida u sheegay Aabihii C/llaahi Xaaji.
Wuxuu sheegay inuu muddo 17 maalmood ku sugnaa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana maanta lagu asay qabuurana Calamada ee duleedka degmada Afgooye.

HOOS KA DAAWO WAREYSIGII LOOGA QAADAY PUNTLAND