Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay qaabkii loo eryay wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday inaan laga rabin Soomaaliya oo wada-shaqeyntii ay kala noqotay 1-da Janaayo 2019.
Sida ay dhowaan qortay Jariirada xogaha hoose ka faalloota ee ‘African confidential’ go’aankaasi waxaa qaatay xubno intooda badan ay isku beel yihiin madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo sheegtay in Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre aanu la socon oo uu doonayay in arrinta aan lagu degdegin.
Xubnaha go’aankaan ku keliyeystay ayaa kala ah: Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, La-taliyaha Madaxweynaha Cabdi Saciid iyo taliye xigeenka NISA Fahad Yaasiin, waxayna jariirada intaas ku dartay in go’aanka ceyrinta markii la gaaray loo yeeray wasiirka arrimaha dibadda si loo ogeysiiyo, inkastoo ra’iisal wasaare Kheyre isku dayey inuu dib u dhigo.
Madaxweyne Farmaajo waxaa caadiyan go’aan qaadashada adag u metela oo awoodiisa ku shaqeeya taliye ku xigeenak NISA Fahad Yaasiin, waxaana muuqata in Ra’iisal wasaare Kheyre isna markan laga maarmay.
HOOS KA AKHRISO QEYB YAR OO KA MIDA QORAALKII WARGEYSKA AFRICAN CONFIDENTIAL’
“The circle making the decision to kick out Haysom in the hours after Haysom’s letter arrived included: Gamal Mahamed Hasan (Darod/Warsangeli), Minister of Planning and International cooperation, Abdi Said Mahamed Ali (Darod/Majerteen), presidential adviser on security, and Fahad Yasin Haji Dahir (‘Minority’/Sheekhal), deputy director of the National Intelligence and Security Agency (NISA) and an ex-Al Jazeera journalist who is a key conduit to Qatar. Only when the decision was reached was the Minister of Foreign Affairs, Ahmed Isse Awad (Darod/Majerteen), called to join the meeting. Hassan Ali (Hawiye/Murusade), was not present and tried in vain to delay the decision when he learned the outcome. [African confidential]