Thursday, June 26, 2025

Yaa ku guuleystay Doorashadii Madaxweynaha Dalka Iiraan..? [Wararkii ugu danbeeyay]

Dalka Iran waxaa la soo gabgabeeyay codbixinta doorashada madaxweynaha. Wararka hor dhaca ee la helayo waxaa ay muujinaya inuu madaxweynaha xilka haya Hassan Rouhani ku guuleystay markale doorashada madaxtinimada ee dalkaasi.

Madaxweyne Ruuxaani ayaa ilaa hadda heysta codad ka badan 22 Milyan, halka ninka la tartamaya uu helay 14 milyan Cod, iyadoo la tiriyay inta badan codadkii la dhiibtay, taasoo muujineysa in madaxweynaha Hassan Ruxani uu mar kale noqonayo madaxweynaha Iiraan.

Mr Rohani aya wax ka bedelay xiriirka Iran iyo beesha caalamka, hasa yeeshee waxaa intii uu hayay xilka gaabis ku socday dhaqaalaha dalkaasi. Heshiis ay Iiraan laba sanno kahor la saxiixatay wadamada reer galbeedka ee dhanka barnaamijkeeda nukleyrka ayaa waxaa uu horseeday in Iiraan laga qaado inta badan cunaqabateyntii sarneyd.

Ninka tartanka ku jita ee Ebrahim Raisi ayaa gudbiyay cabasho, kaddib markii uu sheegay in doorashadani ay hareeyeen wax isdaba marin iyo falal badan oo shaki gelin kara inay si xor ah u dhacday.

Mr Raisi oo ay aad isugu dhawyihiin hogaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatollah Khamenei ayaa dhaliilay qaabka loo maareeyay dhaqaalaha dalkiisa iyo saameynta sii kordheyso ee wadamada shisheeye ay ku yesheen Iran.

Maanta ayaa lagu dhawaaqayaa natiijada kama dambeysta ee doorashada oo ay hadda caddaatay inuu helay madaxweynaha xilka haya ee Xasn Ruuxaani.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON