Thursday, July 10, 2025

Yaa ku horeeya cod-bixintii YAA NOQONAYA MADAXWEYNE ee Idaacadda VOA-da..?

Iyadoo ay saacado naga xigaan doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa warbaahin iyo baraha bulshada lagu soo bandhigay cod bixin  lagu eegayo codadka dadka iyo taageerada musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha.

Mid ka mida cod bixintaasi waxaa soo bandhigtay Idaacadad VOA-da laanteeda Afsoomaaliga waxaana cod bixintaasi oo kaliya cabireysa dadka booqda website-la VOA-da laga dareemi karaa inay ku horeeyaan laba musharax oo ka duwan kuwa sida caadiga la saadaalinayo inay isugu soo hari doonaan tartanka.

Cod bixinta VOA-da oo kumanaan qof ay codeeyeen waxaa ilaa iyo shalay ku horeeya musharaxa Cali Xaaji Warsame oo heysta 37%, waxaase kasoo daba dhow oo xiliyadii danbe kor u soo kacay Maxamed C/llaahi Farmaajo oo heysta 31%.

Musharaxiinta ay ka mid yihiin Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa kala heysta 5% iyo 4% sida ay u kala horeeyaan, waxaana cod bixintan aysan wax saameyn ah ku lahayn natiijada xaqiiqada ah ee beri soo bixi doonta, waxayse muujineysaa sida dadka adeegsada internetka ugu badan yihiin musharixiinta kaalinta hore ku jira.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON