Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu wadaa in ay ka bilaabato doorashada aqalka hoose ee xildhibaanada maamulka Hirshabeelle kasoo galaya Baarlamaanka Federaalka.
Wajiga kowaad ee doorashada ayaa waxaa ku tartami doono siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin caan ah oo muddo dheer xilka soo hayay oo ay u badan tahay inay soo laabtaan.
Kursiga isha lagu hayo ee sida weyn loogu loolami doono, waa kursiga beesha Warsangeli/Harti Abgaal, waxaana isku haya musharixiinta kala ah:
- C/qaadir Cali Cosoble
- Muxiyaddiin Xasan Jurus
- Xuseen Raagge Shiraar.
Kursigan ayaa lagu tilmaamay kursiga ugu adag ee doorashada aqalka Hoose ee Hirshabeelle, marka la eego ololaha doorashada, taageerayaasha iyo lacaga la is weydaarsanayo.
Musharax C/qaadir Cosoble ayaa fursada ugu weyn heysta, inkastoo loolan adag iyo dagaal siyaasadeed uu kasoo wajahay madaxtooyada oo dooneysa in laga takhaluso. Muxiyadiin Jurrus ayaa ayaa taageero weyn ka heysta madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana la arki dooonaa natiijada kursigan.
Goobjooge.com