Musharixiinta u taagan xilka Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Federaalka ayaa soo dhameystirmay iyadoo tiradoodu gaartay afar musharax.
Warbixin ku saabsan afarta musharax ee xilkan u taagan hoos ka akhriso
Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari)
Waa Guddoomiyaha baarlamaankii ugu danbeeyay ee sagaalaad, waa Aqoonyahan leh khibrad shaqo oo hore u soo qabtay xilal dowladeed oo kala duwan. Wuxuu kasoo jeeda Beesha Digil iyo Mirifle oo lagu riixo xilkan. Waxaa la saadaalinayaa inuu ku guuleysan karo xilkan markii labaad, taasoo ay ugu wacan tahay iyadoo aanu tartanka ku jirin musharax u dhigmi kara.
C/rashiid Maxamed Xiddig
Waa musharax u taagan xilka guddoomiyaha Baarlamaanka markii ugu horeysay, khibradiisa hore waa mid yar oo ku kooban dowladihii KMG ahaa, laguma sheegin aqoon sare, wuxuuna hore u soo qabtay xilal wasiir ku xigeeno iyo wasiiru dowle. Wuxuu taageero ka heysta isbaheysi uuu hogaaminayo madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana la saadaalinayaa in rajadiisa xilka ay soo afjarmi doonto, isagoo mari doona jidkii uu maray Cali Khaliif Galeyr doorashadii 2012. Musharaxan wuxuu tijaabo u yahay kooxda Shariif Xasan iyo taageerada ay ka heystaan Baarlamaanka.
Cabdifataax Maxamed Geesey
Waa musharax ka soo jeeda Digil & Mirifle oo dhinaca khibradiisa iyo aqoontiisaba ay yar tahay, isla markaana wasiir ka ah maamulka Koonfur Galbeed, horena u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Bay, ma jirto rajo ku saabsan inuu xilkan ku guuleysan karo ama cadad badan ka heli karo xildhibaanada, waxaase musharaxnimadiisa la oran karaa inay tahay mid uu doonayo inay taariikh nololeedka u gasho ama uu raacdo reeb u yahay Shariif Xasan.
Idiris Cabdi Dhakhtar
Waa musharaxa waa aqoonyahan dhinaca beeraha iyo Daaqa ah, wuxuu hore u noqday Guddoomiye ku xigeen Gole la baxay Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed, wuxuu kaloo ka mid ahaa madaxweynayaashii sheegtay inay maamulka Jubbaland madaxweyne u yihiin. Idiris ayaa leh mowqifyo xag jira oo beeshiisa Digil & Mirifle ku difaaco, wuxuuna dhowaan shaaciyay inay diideen dalab uga yimid Xasan Sheekh oo ku saabsan arrimaha Doorashada. Rajadiisa xilkan waa la oran karaa waa tan ugu hooseysa musharixiinta.
Goobjooge.com