Monday, July 14, 2025

Yaa leh Dhulkii Lagu dagaalamay ee Degmada Hodon? (Wasaaradda Howlaha Guud oo War kasoo saartay)

Wasaaradda Howlaha Guud ee xukuumadda Federaalka ayaa war kasoo saartay dhulkii maanta ay laba ciidan ku dagaalameen ee degmada Hodon ee u dhow Isbitaalka Isbitaalka Medina.

Guriga ayaa dowladii hore ay dejisay reer Cali Xaashi, iyadoo dacwad ka taallo Maxkamadda Gobolka banaadir, waxayna wasaaradda sheegtay inuu ahaa dhul dowladeed, ayna ugu baaqday Qoyska inay keensadaan wixii dokumenti ah oo ay ku sheeganayaan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyaynta

Taariikh: 16/09/2021

War Saxaafadeed: Cadayn Dhul Dawladeed oo ku yaala Degmada Hodan

Wasaaradda Hawlaha Guud iyada oo gudanaysa waajibka ka saaran ilaalinta hantida danta guud, gaar ahaan guryaha iyo dhulalka deegaanka ah ee dawladdu leedahay sida ku cad;

1. D.P.R (Degreeto Madaxweyne) Lm. 174, 18 luuliyo 1965, ujeedkeeduna ahaa ku wareejin guryaha dawladda wasaaradda hawlahaguud.

2. Decree-law Lm. 11, 18 Luuliyo 1965, ee lagu dhisay Wakaaladda guriyeynta ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Fagrada H, oo geexaysa in Wasaaraddu masuul ka tahay maamulidda guryaha dawladda ee dhulka JFS oo dhan.

3. Sharci lm. 70, 31 Oktobar 1971, co si gaar ah guryaha Dawladda ee Muqdisho ku yaalla masuuliyadeeda siinaya Wasaaradda Hawlaha Guud.

4- Sharci Lm. 37.4 Juun 1975, awood u siinaya in Wasaaradda hawlaha guud ay maamusho Guryaha iyo Dhulalka Dawladda.

Wasaaradda Hawlaha guud iyada oo tixraacaysa dhamaan shuruucda kor kuxusan, waxa ay ku hawlantahay dib-u-diiwaan-gelinta iyo tiro-koobka guryaha iyo dhulalka dawladda, Wasaaraddu iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo waxa ay u qortay Reer-Cali Xaashi labo warqadood oo ku kala taariikhaysnaa 27/02/2021, 09/06/2021, oo Reer-Cali Xaashi lagu wargelinayo in ay wasaaradda yimaadaan hadii ay wax dukumenti ah u haystaan dhulkaas, wayna ka dhega adaygeen dalabka wasaaradda.

Wasaaaradu waxay cadaynaysaa in dhulka ay sheeganayaan Reer-Cali Xaashi oo ay horay u dejisay Wasaaradda Gen Cali Xaashi ee ku yaalla Waaxda Oktoobar ee Deg. Hodan, (aga gaarka is-goyska Banadir), uu yahay dhul Dawladeed.

Hadaba Wasaaraddu waxa ay faraysaa mar sadexaad reer Cali Xaashi haddii ay haystaan wax dukumenti ah oo cadaynaya in la siiyvey Aabahood hala yimaadaan xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON