Thursday, June 26, 2025

Yaa Madaxweyne Farmaajo ku wehliya Booqashadiisa dalka Kenya..? [Warbixin xasaasi ah]

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa socdaal rasmi ah ku jooga dalka Kenya, kaasoo ahaa kii ugu horeeyay ee dalalka deriska ah uu ku tago.

Socdaalkan oo noqonaya kiisii labaad ee uu dibadda ugu baxo waxaa madaxweynaha ku wehliya mas’uuliyiin iyo shaqsiyaad ka duwan kuwii la socday socdaalkiisii ugu horeeyay ee Boqortooyada Sacuudiga.

Madaxweyne Farmaajo  wuxuu booqashadiisa dalka Kenya u watay xubno ay ka mid yihiin:

  1. Safiirkii hore ee Soomaaliya u joogay dalka Kenya, haddana loo magacaabay Wasiir ka tirsan xukuumadda cusub Jamaal Xasan Maxamed
  2. Wasiirkii hore ee Gaadiidka Cirka Axmed Jaamac Jangeli
  3. Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga C/qaadir Sheekh Cali Diini
  4. Wasiirkii hore ee Qorsheynta, haddana ah xogheynta madaxweynaha C/raxmaan Ceynte

Socdaalkii Sacuudiga oo ahaa mid degdega waxaa madaxweyne Farmaajo garbihiis buuxiyay la-taliyeyaal saaxiibo u ahaa. [Akhri Warka].

Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya waxaa u dhaxeeya xiriir jahawareer badan ka taagan yahay oo dhinacyo kala duwan leh.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON