Waxaa mar kaliya magaalada Muqdisho iyo Villa Somalia ka maqan madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari , ku xigeenkiisa koowaad iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyo ku xigeenkiisa.
Ma aha markii ugu horeysay ee sidani dhacdo, waana markii labaad iyadoo dastuurku sheegayo in haddii dalku ka maqan yahay madaxweynaha uu kusime noqonayo Guddoomiyaha Baarlamaanka, balse, waxay xaaladda Villa Somalia ku sugan tahay inuu madaxweyne hadda ka yahay Mahad Cabdalla Cadwad guddoomiye ku xigeenka labaad, kadib markii ay mar qura dalka ka wada baxeen guddoomiyihii baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa koowaad.
Xilka xukuumada ayaa la mida arrinta ka taagan madaxtooyada oo waxaa dalka ka maqan Ra’iisal wasaaraha oo shirka Istanbuul ku garbinaya madaxweynaha, Ra’isal wasaare ku xigeenka ayaa isna ka horeeyay Ra’iisal wasaaraha oo horeba u gaara Turkiga, waxayna xaaladii noqotay in Wasiirka Cadaaladda C/llaahi Axmed Jaamac (ilka jiir) uu noqday Ra’iisal wasaaraha dalka, maadaama uu yahay wasiirka cadaaladda.
Arrimahan oo xitaa aan ku caddeyn dastuurka Soomaaliya, madaxda Soomaaliya ayaa u muuqda kuwa ay mar waliba boorsooyinkooda u xirxiran yihiin safar kasta oo dibadda laga sheego, waxaana la yaab leh in dalku beylah yahay.
Xiligii dowladii C/llaahi Yusuf ee fadhigeedu ahaa Baydhaba ayaa la xusuustaa inuu kusime madaxweyne noqday Guddoomiye ku xigeenkii Maxamed Cumar Dalxa oo xiligaasi uga faa’iideystay inuu dalacsiiyo saraakiil beeshiisa ah iyo go;aano kale.
Xiligii dowladda Federaalka ee Cali Mahdi oo sidan oo kale ay dhacday ayaa sawir gacmeed laga sameeyay xilligaasi wuxuu muujiyay cinwaan “DOWLAD WADA HAYAAN AH”.
Goobjooge.com