Madaxweynaha maamulka Jubba ee dhowaan xilka loogu doortay doorasho la isku khilaafsan yahay ayaa markii ugu horeysay ku-sime madaxweyne ka dhigtay guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan kadib markii uu socdaal caafimaad shalay ugu dhoofay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dastuurka cusub ee Jubba ayaa qoraya oo kaliya in hal madaxweyne ku xigeen uu yeesho maamulka 4-ta sano ee soo socota, iyadoo weliba aanu doorasho ku imaaneynin ee uu magacaabayo madaxweynaha, taasoo dad badani dhaliileen, haddana waxaa soo shaac baxday iyadoo aanay dhammaan mudadii Kumeelgaarka ahayd oo ku eg 28-ka Ogost 2015, lana caleeemo saarin in kusime-nimadii laga wareejiyay madaxweyne ku xigeenadii hore.
Waxaa muddooyinkii dambe la hadal hayay in labada madaxweyne ku xigeen uu mid kaliya soo laaban doono oo lagu wado inuu noqdo C/llaahi Ismaaciil Fartaag, halka Suldaan C/qaadir Lugadheere oo weyn doono xilka looguna bedeli doono jago kale oo wasiirnimo.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]