Maalintii saddexaad dalka Kenya waxa asocda tirinta codadka doorashada Madaxweynaha Kenya oo u muuqata inay tahay mid adag, iyadoo ay aad isugu dhow yihiin labada musharax ee sida weyn ugu loolamaya xilka Madaxweynaha.
Natiijadii ugu danbeysay ayaa muujineysa inay aad isugu dhow yihiin labada musharax ee Raila Odinga iyo Wiliam Ruto, mid walibana uu muddo kooban hoggaanka la wareegayo, iyadoo laga cabsi qabo in loo baahdo wareeg labaad.
Natiijooyinkii ugu danbeyay ee Doorashada Madaxtinimada Kenya sida warbaahinta dalkaasi baahineyso waxaa ila hadda si hordha ah loo tiriyay codadka 14 Milyan, waxaana natiijada ay tahay mid aad isugu dhow.
Madaxweyne ku xigeenka William Ruto iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa kala heysata codad isku dhow, codadka Wiliam Ruto heysto xilligan (14:00) ayaa ah 49.12%, halka Raila uu heyso 49.48%, waxaa u dhaxeeya ilaa 50,000 cod oo kaliya, marka la eego Telefishanka caanka ah ee Citizen TV; waxaa musharaxa guuleysanaya doorashada laga rabaa inuu helaa 50% oo lagu daray hal cod (50%+1).
Natiijada rasmiga ah waxaa shaacin doona Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka iyo xuduudada Kenya (IEBC), iyadoo natiijooyinka hadda la ahyo ay yihiin qaar aan rasmi ahayn.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Xudduudaha ee Kenya (IEBC) ayaa uga digay warbaahinta inay shaaciso qofka ku guuleysta doorashada madaxtinnimada ka hor inta uusan ku dhawaaqin guddigiisa.
“Fadlan ha shaacinina inuu qof un guuleystay, annaga ayay shaqadeenna tahay in aan ku dhawaaqno guuleystaha,” ayuu yiri Wafula Chebukati oo ah guddoomiyaha Guddiga Doorashada.
