Tuesday, October 4, 2022

Dad ku dhintay bannaanbaxyo hareeyay Somaliland iyo Mucaaradka oo Hubka qaadanaya

Qasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay bannanabaxyo rabasho dhaliyay oo maanta ka dhacay magaalooyinka maamulka Somaliland, kadib markii taageerayaasha Mucaradka ay isugu soo baxeen xarumahooda.

Booliska iyo ciidamo milatari ah ayaa loo adeegsaday in bannaanbaxayaasha lagu hor istaago, iyadoo rasaas ay ka dhacday magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo; taasoo dhalisay inay dhintaan 3 qof, halka dad ku dhow 100 kale ay ku dhaawacmeen, sida uu shaaciyey Booliska Somaliland.

Taliyaha howlgelinta Ciidamada Booliska Somaliland Jeneraal Ibraahim Cabdi Xaaji ayaa sheegay in bannaanbixii Maanta ay ku dhinteen Saddex qof oo shacab ah, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 62 Askari oo katirsan Ciidamada Somaliland.

Ad

Taliyaha ayaa sheegay in banaanbaxayaasha qaarkood oo hubeysnaa ay rasaas ku rideen Ciidamadii Booliska, isla markaana banaanbaxayaasha ay ku xad gudbeen nimaadkii loo diyaariyay taas bedelkeedana ay dhibaato geysteen, sidoo kale wuxuu sheegay in 27 qof oo Shacab ah ay sidoo kale ku dhaawacmeen banaanbayadii ka dhacay magaalooyinka Hargeysa iyo Ceerigaabo, lana xiray dad ka badan 100 qof.

Hoggaamiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa muuqaal yar oo laga duubay isgoo Gaari ku jira dadka ugu baaqay inay hubkooda lasoo baxaan oo is difaacaan.

Dhinaca kale Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa ugu baaqay madaxweynaha iyo madaxda Mucaraadka inay xaalada qaboojiyaan oo qalalaase aan loo adeegsan bannaanbaxyada, dibna loogu laabto wadahadalkii khilaafka Doorashooyinka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,003FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,004FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON