Wednesday, January 7, 2026

Yaa Sheekh Shariif ka hor istaagay inuu hoggaamiyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka Dowladda Xasan Sheekh?

Shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka Mustqablka ayaa kusoo dhammaaday magaalada Kismaayo, iyadoo lagu heshiin waayay hoggaan uu yeesho Golahaasi.

Waxaa la filayay in Shariif Sheekh Axmed uu noqdo Guddoomiyaha Golaha Mustqabalka, balse waxaa lagu hor istaagay iskaashi dhex maray Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, Ra’iisal wasaareyaashii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur.

Dooda ugu weyn ee keentay in Sheekh Shariif waayo xilka guddoomiyaha Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka ayaa ahayd inuusan guddoomiye noqon karin qof u sharxan xilka Madaxweynaha iyo in guddoomiyaha uu dano gaara uga faa’iideysan karo xilka.

Siyaasiyiinta Muqdisho ee Xasan Cali Khayre, Maxamed Xuseen Rooble iyo C/raxmaan C/shakuur ayaa noqday caqabada ugu weyn ee uu la kulmay Sheekh Shariif, iyadoo laba fadhi oo muddo qaatay la isku mari waayay.

Ra’isal wasare hore Cabdi Faarax Shirdoon ayaa taageersanaa guddoomiyenimada Sheekh Shariif, waxaana inuu raali ka yahay isu muujiyay Axmed Madoobe, balse shirku wuxuu kusoo dhammaaday iyadoo Golaha Mucaaradka ay ku heshiin waayeen ciddii hoggaamin lahayd.

Siyaasiyiinta Mucaaradka Muqdisho ee Xassan Cali Khayre, Maxamed Xuseen Rooble iyo C/raxmaan C/shakuur waxay hore u diideen inuu shirka Kismaayo ka qeyb galo Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo, markuu uu soo jeediyay Axmed Madoobe.

War-murtiyeedka shirka Kismaayo waxaa ku jiray qodobbo adag, sida: In Madaxweyne Xasan Sheekh loo qabtay muddo bil ah oo uu wadahadal ku galo ama ay dowlad ka barbar dhisi doonaan dowlad kale, haddii uusan ka jawaabin dalabkooda, balse golahan ayaa kala shaki ku kala tegay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON