Shir uu dhowaan ku baaqay madaxweynaha xilka sii haya ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qabsoomay Muqdisho.
Shirkan oo loogu magac daray TALO QARAN ayaa la sheegay in talooyin looga aruurinayo qeybaha kala duwan ee bulshada, Saraakiisha Ciidanka iyo Madaxda Dowladda si ay ugu dhaqanto dowladda cusub.
Shirka waxaa ka hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal aad u dheer ka jeediyay qorshaha ay ku shaqey doonto dowladda soo socota.
Shirka ayaa qaatay saacado, iyadoo laga isla galabta la soo xiray, Waxaana intii uu socday lagu soo bandhigay talooyin ku saabsan Lix qodob oo kala ah Cadaalada, Dhaqaalaha, Waxbarashada, Caafimaadka, Amniga iyo Wadaniyada.
Dadka qeygalay Shirkaasi weynaa ayaa noqday saraakiisha dowladda iyo xildhibaano gacan saar la leh madaxweynaha oo tobaneeyo ahaa, iyadoo dad badan is weydiiyeen halka uu ka baxay shirweynihii lagu baaqay.