Sunday, July 13, 2025

Yaasiin Farey oo Dib u furay Dood ku saabsan Kiiskii Ikran Tahliil iyo Shaqada Hay’adda NISA

Ku-simihii agaasimihii hore ee NISA, haddana ah Xildhibaan Yaasiin Cabdullahi Maxamuud (Farey) ayaa dib u furay dood ku saabsan kiiskii Ikraan Tahiil, kadib wareysi lala yeeshay oo uu uga hadlay arrintaasi.

Xildhibaanka ayaa ku dooday in Hay’adda Nabadsugidda ay mas’uul ka tahay tahay Amniga Qaranka ee guud, isla markaana ay wax kasta qaban karto, iyadoo aanay jirin wax ka xadiddan oo aysan faraha la geli karin.

“Hay’adda NISA waxay mas’uul ka tahay Amniga Qaranka.. Sirdoonku wuxuu mas’uul ka yahay dalka iyo dadka oo dhan shaqo gaar ah oo cayiman oo la leeyahay shaqo kale ma qaban karto ma jirto,” ayuu yiri Xildhibaan Yaasiin Farey oo wareysi siiyay SMS TV.

Yaasiin Farey ayaa sidoo kale sheegay ku dooday in sababaha looga soo horjeeday Hay’adda NISA ay aheyd oo kaliya in lagu colaadinayey shaqada ay u hayeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa ku dooday in Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd Hay’adda NISA ay afduubteen oo ay khaarijiyeen Alshabaab, kiiskeedana la siyaasadeeyay, iyadoo maxkamadda Milateriga uu yaalo faahfaahin kiiska.

Wareysiga uu bixiyey Yaasiin Farey ayaa lagu dhaliilay inuu ahaa wareysi su’aalo fudud lagu weydiiyey oo ahaa mid u muuqday in lagu heshiiyey si aan looga jawaabin su’aalaha adag ee Kiiskaasi ku wareegsan, wuxuuse difaacay in Hay’adda NISA ay tahay mid shaqo kasta gacanta la geli karta oo aan xuduud lahayn.

Wareysiga ayaa dhaliyey dood ka badan su’aalaha uu ka jawaabay, waxaana shaki kale ka dhashay wareysi la shaaciyey inuu bixiyey agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, taasoo loo qaatay inay qeyb ka yihiin qorshe madaxdii hore ee NISA wataan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON