Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar oo ahaa xiriiriyaha wejiga koowaad ee shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa kashifay arrin ka khaldan wadahadallada Dhuusamareeb uga socda Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.
Qoraal uu dhigay bartiisa ayuu ku caddeeyay inay habooneyd in shirku ku bilowdo Guddiyo ka socda dhinacyada wadahadlaya, kadibna ku dhammaado Madaxda Sare, balse hadda uu shirkii noqday mid ka bilowda, kuna dhammaada madaxda sare oo keligood uun wadahadlaya.
Hoos ka akhriso qoraalka

Waxaa fiicnaan lahayd in Hoggaamiyayaasha ku wadahadlaya Dhuusa Marreeb ay talo kala dhaxeyso wufuudda faraha badan ee la socota ee qaar khubarada yahay.
Runtii maskax, aqoon iyo waayo aragnimo ayaa ku kulantay marka la isu geeyo wufuudda la socota Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed.
Waxaa ila habboonayd in Hoggaamiyayaashu ay ahadaan meesha loola noqdo talada, haddii ay ergooyionkoodu is fahmi waayaan.
Waxaa ila habbooneyd in Hoggaamiyayaashu ay ahaadaan kuwa ay taladu ka go’do ee aanay noqon kuwa ay ka billaabato kuna dhammaato. Dhaqankaas oo can ahaa sagaashameeyadii waxaan moodayay in ay siyaasadda Soomaalidu ka kortay.
Wadahadalku wuxuu hadda ka billowday Hoggaamiyayaasha. Sida muuqatana iyaga uun ayuu ku kooban yahay.
Xilliga ay shirka ka maqan yihiin ma muuqdaan shirar kale oo ay joogto ula gelayaan wufuuddooda. Waayo waa nafleey oo waa seexdaan. Fursadda keliya oo la hasytaa waa in ay ayagu toos isu fahmaan.
Haddii ay is fahmi waayaan, ma jirto cid kale oo ay ula noqdaan maaddaama ay ka tallaabeen Wasiirrada, Xildhibaannada iyo la taliyayaasha aan lala tashan ee la faraha badan ee la socda.
Marka haddiiba ay arki karaan Hoggaamiyayaashooda, waxay ila tahay kaalinta wufuuddu in ay noqon karto mid muhiim ah.
Waa cadaadis ay Madaxdooda ku saaraan in aan dib loo dhigin wixii iyaga ku xiran ee hadda iyo halkan go’aan looga gaari karo.
Caqligu ma ahan ciddiyo oo isaga oo cusub ma soo dhalanayo usbuucyo gudahood.