Wednesday, June 25, 2025

Yusuf Indha-cadde oo qarxiyey cidda uu ku tuhunsan yahay Dilka Jen. Galaal ‘Xabbad ayaa Qadaadka looga dhuftay”

Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) ayaa qarxiyey tuhun ku saabsan cidda ka danbeysay dilka Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ku dhintay weerarkii Alshabaab ku qaaday Hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho 31 Janaayo 2021.

Yuusuf Indha-cadde ayaa su’aalo badan ka keenay qaabka wax uga dhaceen Hotelka Afrik, wixii lagu arkay meydkii Jeneraal Galaal iyo waxa uu ka aaminsan yahay cidda geysatay dilka Jeneraalka oo qolkiisa oo ka mida Hotelka Afrik loogu tegay meydkiisa.

Wuxuu sheegay in Jeneraal ay dishay hal xabbad oo qadaadka dhinaca danbe (Qoorta) looga dhuftay, taasina aysan suuragal ahayn qof dagaalamaya in gadaal laga toogtay, wuxuuna intaas ku datay arrimo shaki badan ku abuuray oo ah xaaladii loogu tagay Qolkii Jeneraalka.

“Jeneraalka wuxuu ku sugnaa barandada qolkiisa, Barandada waxaa loogu tegay oo yaallay meydka Jeneraal Galaal, waxaana kor saarnaa Nin Shabaab oo Bam F1 ah watay, waxaa kaloo meel 1 Mitir u jirta yaallay nin kale oo meyd Alshabaab ah, waxaan aaminsanaa inuusan ninkaasi meeshaas ku dhiman ee la keeenay meesha..” ayuu yiri Jeneraal Indha-cadde oo wareysi siiyey Idaacadda KNN ee Muqdisho.

Wuxu sheegay inuu dilka Jeneraal Galaal ku tuhunsan yahay ciidamada dowladda, taasina uu ku caddeynayo laba sabab. “Jananka iyo Ninka shabaabka ah ee watay Bambada qol yar oo 2 Mitir ayey ku wada jireen.. Waxaa isweydiin leh sidee Dad dagaalamaya hal qof ugu wada dhinteen..?” ayuu yiri Yuusuf Indha-cadde.

Jeneraal Indha-cadde ayaa sheegay in Sariirta ninka meydka ah ee Alshabaab lasoo dhigay lagu arkay faro dhiig leh oo cuskaday, kuna sawirmay sariirta, wuxuuna ku dooday in labada nin ee meydadka Alshabaab lasoo qaaday oo meesha la geeyay Qolka Jeneraal Galaal.

Wuxuu qirtay in Maleeshiyada Alshabaab markii ay galeen Hotelka ay toos u abaareen Qolka uu deganaa Jeneraal Galaal, dagaalka uu dhex maray, wuxuuna intaas ku daray in Jeneraal Galaal uu diyaarsanaa, kuna hureysnaa Qori AK 47 ah iyo Bambooyin, uuna aamiinsan yahay inuu raggaas Alshabaabka isagu dilay, sida uu yiri.

Isagoo ka hadlayey dagaalkii ay ciidamada dowladda ku galeen Hotelka ayuu caddeeyay in muddo markii aanay wax rasaas ah dhicin, mar kaliya xabado la maqlay, kadibna ciidamadu sheegeen in qofkii u dambeeyay la dilay oo lagu yaacay Hotelka.

Wuxuu Jeneraal Yuusuf Indha-cadde shaki badan ka muujiyey in qorigii Jeneraalka la qaatay iyo in Hotelka oo dhan ay ciidamadu xaalufiyeen wixii qaadmi karay oo dhan ka qaateen, ayna wax lala yaabo ahayd in Kaamerooyinkii ku xirnaa Hotelka la burburiyey oo waxba aan looga tegin.

“Ma dhahayo madaxda dowladda ayaa amartay in la dilo Jeneraal Galaal, laakiin waxaan dalbaneynaa in baaritaan lagu sameeyo sidii ay wax u dhaceen…” ayuu yiri Jeneraal Yuusuf Indha-cadde.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON