Thursday, June 26, 2025

Yuu ahaa qofkii ka dhacay diyaaradii Daallo D3159..? (Miyuu is qarxiyay…?)

Dowladda Soomaaliya ayaa caawa xaqiijisay warkii uu qoray xalay Goobjooge.com ee Ku saabsanaa magaca iyo qofka uu yahay ninka ka dhacay diyaaradii Daallo ee hawada dabku ku qabsaday, waxaana wasiirka Gaadiidka iyo duulimaadka hawada uu sheegay in ninkaasi uu ka mid ahaa rakaabka laguna magacaabi jiray C/llaahi C/salaam Boorle. (AKHRI WARKII GOOBJOOGE.COM)

Wasiirka ayaa sheegay in ninkani ka yimid Hargeysa, laakiin waxaa warbixintu tahay inuu kasoo jeedo gobolka Hiiraan balse uu ahaa ganacsade degan magaalada Hargeysa. Waa 55 jir la sheegay inuu xaalad caafimaad ah ugu socday dibadda.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya inuu qofka is qarxiyay adeegsaday gaariga dadka cuuryaanka ah lagu riixo, iyadoo khubaro badan ay aamisan yihiin waxa ku dhacay diyaaradda Daallo uu qarax ahaa.

Warar badan ayaa ku xeeran ninkan inuu is qarxiyay oo isagu uu ahaa qofkii ka danbeeyay qarax ka dhacay diyaaradda sida uu qabo taliyihii hore ee ciidamada NISA Axmed Cali Fiqi. Khubaro Mareykan ah ayaa sheegay in waxa ku dhacay diyaarada ay yihiin qarax gudaheeda ka yimid.

Arrinti si kastaba ha ahaatee waxaa loo baahan yahay baaritaan dheeraad ah oo khubado caalami ah ay sameeyaan si loo hubiyo arrintan, taasoo aysan awoodeeda lahayn dowladda Federaalka iyo hay;adaheeda amaanka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON