Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) oo ka mida saraakiisha ciidamada, horena u soo noqday wasiiru dowle ayaa sheegay in Alshabaab ay milmeen dhammaan hay’adaha dowladda sida Madaxtooyada, Golaha Wasiirada, maamulka Gobolka Banaadir iyo dhammaan hay’adaha kale.
Yuusuf Indha-cadde wuxuu sheegay inay meesha ka maqan tahay Hay’adii ay shaqadeeda ahayd inay ka hortagto ee Sirdoonka oo aysan joogin dadkii aqoonta u lahaa howlaha sirdoonka, isagoo caddeeyay inay isaga laftiisa qabsatay qiso ku saabsan Alshabaab xilli uu Madaxweynaha ugu yeeray shaqo.
Gen. Indha-cadde oo mar ka mid ahaa Guddi saraakiil ah oo Madaxweyne Farmaajo sameeyay ayaa sheegay in Madaxweynaha shaqo ugu yeeray saraakiil Jeneraalo isugu jira Somalia iyo Ajnabi, ayna kala qaateen howl loo diray, balse markii uu shirkii kasoo baxay, isla markii ay Alshabaab kasoo waceen degaanka Jannaale oo loo sheegay in laga War hayo shaqada loo diray oo ay ka gaashaanteen oo ay sugayaan.
Indha-cadde ayaa sheegay in Alshabaab ay hadda noqotay koox Maafiyo, kana tagtay urur diimeed, sidaasina ay cid waliba uga mid noqoneyso.
Arrintan ayaa timid markii ay xalay Hay’adda NISA shaacisay fannaan ka tirsanaa Kooxda Fanka Gobolka banaadir inuu ahaa Alshabaab, isagoo qirtay inuu u qaabilsanaa Maaliyadda iyo Xuuraanka.